SHEEKO: Jaariyad jaceyl galay
QAYBTA 2AAD 💘💍
Inkastoon jaceyleeyn inaan jaariyad noqda haddane dantaa ibaday oo waan ka maarmi waayay waxaa la gaaray casarkii intaas ma aanan seexan oo waan isla sheekeeysanaayay waxaan la yaabay waqtiga sida uu dhaqso ugu dhamaaday waan soo is taagay waxaana aaday xaga jikada si aan howsheeyda u bilaawdo
Waxaan iska galay casha diyaarin teeydi qof walba waxa uu ku juraa qolkiisa si jawi dagan ah balse anigu waxaan iska diyaariyay cashaddii kadib ayaan qolka fadhiga is iri iska gal markii aan ilbaabka ka galay ayaan arkay anas inuu ku juro qolka fadhiga
Kadib ayaan kasoo laabtay oo waxaan iska galay qolkeeyga waayo wiilasha aad baan uga baqaa meel aay joogaana waan iskaga fogaadaa waxaana jeclahy inaan kaligeey ahaado waxaan iska shitay mobile keyga oo isaga ayaan isku mashquuliyay maadaama aan hoowshii iska bagay
Waxaa leeygu soo garaacay ilbaabka kadib ayaan iri wa. ayo kadib ayeey tiri maama caasha waa anigee soo bax naciima isla markii baan soo booday waan u imid markaas beey tiri maxeey tahay qolka ayaadba iska gashee anas ugeey shaax
Kadib ayaan ku iri waayahay eeddo haddaan u geeynayaa waxaana galay jikada shaaxii ayaan soo shubay aad baan uga cabsaday waayo uma baran wiil kaligiis qol ku juro inaan wax u geeyo anoo ilbaabka taagan ayeey soo baxday idil kadib ayaan ku iri abyo hoo shaaxi waa kane ugeey wllkaa
Markaas beey idil si kor ah u tiri naa maxaa kaa qaldan orod ugeey wiilka shaaxa ma waraabe baa sideed aniga iigu dhibeeysaa mise howl naceeyb ayeey kaa tahay
Kadib ayuu anas maqlay qeeylada iyo sawaxanka haddalka idil markaas buu soo baxay aad baan uga naxay aniga oo waxaan noqday sidii qof dambi lagu qabtay Kadib ayuu anas yiri maxaa idinka dhax dhacay
Kadib ayaan ku iri maya wll waxba idil baa lasoo booday shaaxi beey leedahay ugeey aniga ma ahan taas shaqadeeyda shaqadeedi beey aniga ii direeysaa kawaran markaas buu anas yiri waxaas waa caadi ee gabadha iska daa aniga intuu
http://idil.la/ hadlaayay ayaan qolkii udaba maray shaaxiina miiska usoo saaray waana kasoo laabtay
Kadib ayuu anas ilbaabka iiga hor yimid isagoo usoo laabtay qolka fadhiga aniga darbi baan isku dhajiyay si markuu ilbaabka soo maro anna aan u baxo
Balse anas ilbaabka ayuu iga xigsaday kadib ayuu igu yiri naciima aniga aad baan iskugu naxay wadnaheygu aad buu u shanqaray kadib ayaan ku iri hee markaas buu igu yiri aniga ha iga cabsanin tankle haddii aadan jooji karin cabsida aad iga qabtid raashinka anaa doona naayo ha isku dhibin horaanba jikada mar mar waan gali jiray hadda dhib iguma ahan raashiin diyaarsan inaan soo gurto
Aad ayuu ii qanciyay haddalka anas kadib ayaan ku iri waayahay waana kasoo tagay markii la gaaray subaxii markii aan diyaariyay quraacdii ayaan qolkeyga iska galay waxaa soo kacay anas kadib ayuu jikada galay isaggoo shaax soo shubtay ayeey idil u timid markaas beey ku tiri maxaa isla waaleeysaa naciima kuu keeneeyso rashinka ee markaas buu ku yiri anigu ma gacmaha baan ka go.anahay qof waxba kama sugi karo
Idil weey kasoo tagtay waxeeyna u timid maama caasha waxeeyna ku tiri hooyo gabadhaan wahsiga meey naga deeyso anas sakay isagoo raashinka soo guranaayo ayaan arkay waxa uuna igu yiri qof waxba kama sugi karo
Maama caasha oo careeysan ayaa qolkeygi iigusoo gashay kadib ayeey si kulul ii tiri naciima miyaad xanuunsan tahay maanta markaas baan ku iri maya eeddo ee maxaa jira waxaa niyadda iska leeyahay tollow maxaad sameysay ?
Lasoco part:3
Join dheh si aad uga mid noqotid asxbteyda mhdsnd
EMOJI KALA NOOCA SAARA MAHADSANIDIIN 🙃