ERAYO JACEYL Telegram channel photo

ERAYO JACEYL

@erayojaceyl1Public Channel

KU SOO DHAWOOW OO NAGA HEL: 💋 ERAYO JACEYL 💋 ERAYO JACEYL 💋 ORAAH JACEYL 💋 XIGMAD JACEYL 💋 SHEEKO JACEYL ❤️ SHUKAANSI KU SOO BIIR ❤️💋❤️ @ERAYOJACEYL1

21

Last views

278 (278 subscribers)
Üyeler
—
Rating
60
Total Posts
Oct 20, 2026, 11:18 PM
Güncellendi
Mar 31, 2026
Created
Stats

Türkçe içerik görüyorsunuz. Diğer dillerdeki içeriği görmek için site dilini değiştirin.

Channel Information

Channel Information
Channel NameERAYO JACEYL
Username@erayojaceyl1
CategoryKore Dizileri (K-Drama)
LanguageTürkçe
CountryTürkiye
Üyeler278
Channel TypePublic Channel
Created31 Mar 2026
Last Updated20 Eki 2026 • dün
StatusActive

Sıralama

Küresel Sıralama
#11694-1371
Dil Sıralaması
#138-16
Kategori Sıralaması
#133-18

Üye Büyümesi

Toplam: 27830 Days growth: +6631.1%
09/2109/2610/0110/0610/1110/1610/20
Üye Büyümesi - 30 Days
DateSubscribers
21:09:2026212
22:09:2026212
23:09:2026212
24:09:2026212
25:09:2026212
26:09:2026212
27:09:2026212
28:09:2026212
29:09:2026212
30:09:2026212
01:10:2026212
02:10:2026212
03:10:2026212
04:10:2026212
05:10:2026212
06:10:2026212
07:10:2026212
08:10:2026212
09:10:2026212
10:10:2026212
11:10:2026212
12:10:2026212
13:10:2026273
14:10:2026273
15:10:2026273
16:10:2026273
17:10:2026273
18:10:2026273
19:10:2026273
20:10:2026278
Üye Büyümesi - Weekly
DateSubscribers
Week of 30:03:202618,724
Week of 06:04:202618,694
Week of 13:04:202618,613
Week of 20:04:202618,551
Week of 27:04:202618,551
Week of 04:05:202618,551
Week of 11:05:202618,551
Week of 18:05:202618,551
Week of 25:05:202618,551
Week of 01:06:202618,551
Week of 08:06:202618,551
Week of 15:06:202618,551
Week of 22:06:202618,551
Week of 29:06:202618,551
Week of 06:07:202618,551
Week of 13:07:202618,551
Week of 20:07:202618,551
Week of 27:07:202618,551
Week of 03:08:202618,551
Week of 10:08:202618,551
Week of 17:08:202618,551
Week of 24:08:202618,551
Week of 31:08:2026202
Week of 07:09:2026202
Week of 14:09:2026212
Week of 21:09:2026212
Week of 28:09:2026212
Week of 05:10:2026212
Week of 12:10:2026273
Week of 19:10:2026278
Üye Büyümesi - Monthly
DateSubscribers
March 202618,758
April 202618,551
May 202618,551
June 202618,551
July 202618,551
August 202618,551
September 2026212
October 2026278
Üye Büyümesi - Yearly
DateSubscribers
2026278

Son Yazılar

ERAYO JACEYL logo
ERAYO JACEYL

17 Eki 2026 11:40

Photo1/2
Nabi Muhammad (NNKH) Wixii soo gala ee uu helo wuu bixin jiray, waxaa dhacday in uu gaajooday gurigii ayuuna kasoo baxay xilli aan cidi soo bixin oo ay dadku jiifaan, abubakar baa kasoo hor baxay kadib buu weydiiyay waxa xilligan guriga kasoo bixiyay. Isaguna sidoo kale wuxuu ku yiri yaarasulullah gaajaa isoo saartay. Cumar baa haddana kasoo hor baxay wey weydiiyeenoo wuxuu isaguna usheegay in gaajo soo saartay xilligan.!

Way israaceen saxaabi kale ayeyna utageen neef yar ayuuna u qalay, markay neefkii cuneen ayuu rasuulku ku dul aqriyay aayadda ah.

ثُمَّ لَتُسْأَلُنَّ يَوْمَئِذٍ عَنِ النَّعِيمِ

Nicmadan aakhira laydinka warsan doonaa (laydin weeydiin doonaa) 🥹🌿

اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ عَلَى نَبِيِّنَا مُحَمَّدٍ 🥀🤍
21002
ERAYO JACEYL logo
ERAYO JACEYL

17 Eki 2026 02:04

Photo1/2
Dun xariiroo la daawado.
Daawashada indhuhu.
Dharaar qura ay ka daalin.
Darmaan qaaliyoo.
Igu qiimo weyn.
Dookhiyo dareenkaa.
Dar alle ku raacoo.
Kal kuu nuglaatiyo.
Qalbi aad ku dhigan tahaa.
Muuqaaga raadiya.
28001
ERAYO JACEYL logo
ERAYO JACEYL

16 Eki 2026 19:55

Dhaayahaygu eegmada
Maalintay ku dheehdaan
Farxad baan la dhololaa
❤️🫶😁
34001
ERAYO JACEYL logo
ERAYO JACEYL

16 Eki 2026 00:21

Maanso jacayl:♥️

Ninkan ma aniga leysoo diraY. !!!

Miyad ogayd mise kamad war hayn in uu cashaq ii helay Adiga daraada.

Miyaan ku waramay. Inaad noqotay riyada kaliya aan rajeeyo inay ii rumowdo mar un.

Haddii ay noloshu ii siiso fursad labaad waxan badali laha wax badan Adiga mooyee Adiga mar labaad ayan ku dooran laha. 🩷
40001
ERAYO JACEYL logo
ERAYO JACEYL

16 Eki 2026 00:19

Photo1/2
Tallow ninka riyadayda miyuu iman doona nolosheyda dhabta ah.

Mise…

Kaliya xasuusta ayuu igu wehlin doona.

Miyuu dhab ii siin doona dareenka aan rapO.

Mise…

Wuxuu ahaan doona dareen aan weligi dhab noqon.
38001
ERAYO JACEYL logo
ERAYO JACEYL

15 Eki 2026 23:02

Waxa aan aad uu jeclahay kuwa aan iska weynayn dadka. ❤️
39002
ERAYO JACEYL logo
ERAYO JACEYL

15 Eki 2026 23:02

Photo1/2
Qalbi adiga ma tihid qof aan jeclahay oo keliya, waxaad tahay qof qalbigaygu ku nasto, farxaddayduna ka bilaabato. Mar kasta oo aan kaa fikiro, waxaan dareemaa inaan haysto wax ka qaalisan adduunka oo dhan. Waxaan rajaynayaa in jacaylkeennu noqdo mid waara oo aan waqtigu marnaba kala duwin. 🥹❤️🫂
40002
ERAYO JACEYL logo
ERAYO JACEYL

14 Eki 2026 23:45

Photo1/2
Ixtiraamku waa tiirka ugu muhiimsan u ku taagan yahay xiriir kasta oo guuleysta”❤️✌🏾
45001
ERAYO JACEYL logo
ERAYO JACEYL

14 Eki 2026 23:44

Photo1/2
Gobaadeey dhibaatada
Murug iiga dhiganoo
Marka dhaawac ku gaadha
Xanuun igu dhamaada

Dharaartaad Gobaadeey
Qosol dhoola cadeysaa
Ciid iiga dhiganoo
Dhabtii dhaayahaygaay
Farxad baan dhalalaa

Qalbi aad ku dheertaa
Dumar kale ka dhaartoo
Kaligaa ku dhaatee
Ka ilaali dheeliga
Dhaawac aan bogsooneyn
🫶❤️
43001
ERAYO JACEYL logo
ERAYO JACEYL

14 Eki 2026 19:54

Noqo ruux dhaliiluhu sii dhiiri galiyaan 🤍
39002
ERAYO JACEYL logo
ERAYO JACEYL

25 Nis 2026 16:19

SHEEKO: Jaariyad jaceyl galay

QAYBTA 5AAD 💘💍

Markuu anas igu yiri anigaa wllkaa ah baan ku iri waayahay abowe markaas buu anas yiri shaax baan kuu keenayaa isug kadib ayuu shaax ii keenay anas isla markii ayeey timid maama caasha waxeeyna aragtay inagoo haddane isla joogno aniga aad baan u naxay haddane waan is dajiyay kadib ayeey tiri maama caasha nayaa wiilka ma iga sixratay xageed iskugu nab nabeeysaa oo aad u daba socotaa iisheeg

Intaanan hadlin ayuu anas yiri hooyo gabadhaan iska dhaaf waa miskiin weey xanuunsan tahay kaliya waan caawinaayay maxeey tahay waxaad ka hadleyso kadib ayeey tiri adiga kulama hadlin ee iiga bax ilbaabka gabadhaan ayaan rabaa inaan la hadlo markaas ayuu anas baxay kadib ayeey tiri maama caasha nayaa imaqal markale haddii aay arintaan dhacdo ama aan anas kugu ag arko boorsadaada ayaad qaadaneeysaa ogoow ilbaabka ayeeyna iiga baxday

Aniga waxaan go.aan saday inaan anas xitaa aanan salaanta ka qaadin haddane anas waa qofka kaliya ee guriga igu haayo markaan murugoodana idhiiriya

Waan soo baxay anas ayaan banaanka ugu imid kadib ayuu igu yiri hooyo saakay maxeey ku tiri kadib ayaan ku iri waan ku baryaa markle ha ila hadlin xitaa waayo hooyo weey dhibsatay mana ogola inaad ila hadasho

Markaas ayuu anas igu qoslay kadib ayuu yiri adiga ma waalantahay hooyo qeeyladeeda haka caroon sow kuma dhihin naciima iska dhaaf nugeeylka markaas ayaan iri adiga waa gartaa oo waa hooyadaa balse aniga adeegto kaliyan ayaan u ahay haddal ka xun aay idhaheysana wuu idhibayaa pls aan amaan isa siiino si aan uga bad baado qeeylo iyo buuq kadib ayuu yiri anas waayahay waan tix galinayaa waxaad rabtid

Markii aan anas ka aamusnaa 2 maalin waxaan dareemay ciriiri fara badan iyo inaan uxiiso anas sheekadiisi iyo siduu iidhiiri galin jiray anas qolkiisa ayaa tv loo galiyay xitaa qolka fadhiga waa uu ka go.ay anigana aad baan uga xumaaday arintaas

Habeenkii markii la seexday ayaan aniga kaliya ku haray fadhiga kadib ayaan anas what'sAppkiisa ugu diray fariin waxaana iri fadhiga iigu imoow

Kadib ayuu igu yiri maxaa dhacay iisheeg aaway balantii aan wadda galnay sow ma ogid xiligaan in aay hooyo soo jeedo oo ay na arkeeyso

Markaas ayaan iri waan ogahay lkn halkaan mar kaliya ii imoow waanku baryaa kadib ayuu anas soo baxay markaas ayuu yiri soo bax kadib ayaan iri xageen aadeeynaa halkan soo fariiso markaas ayuu yiri maya banaanka ayaan fariisaneeynaa si aaney hooyo noo fahmin waxaan iri waayahay waana soo raacay kadib ayuu yiri waa ikan wax iisheeg maxaad iigu yeertay markaas ayaan iri inaan wax kuu sheego kaliya miyaan kuugu yeerayaa

Markaas ayuu yiri haa ee wax iisheeg kadib ayaan ku iri kaliya waan cidlooday adiga ayaan ku tabay midaas miyaan ku qaldanahay kadib ayuu yiri maya kuma qaldanid anigaba sidii ruux meel iga fog jira ayaan kuu tabay

Kadib ayaan iri waayahy hooyo ayaa na arkeeyso ee orod qolkaaga aad ana waan seexanayaa markas ayuu yiri ma intaan kaliya maya wax badan ayaan kula joogayaa ha i burin kadib ayaan ku iri anigaba waan rabaa inaad ila joogtid oo haddalkaaga wuxuu ii yahay neecaaw haddane hooyo ayaan ka baqanayaa ee orod seexo...

Lasoco part:6

#join dheh si aad uga mid noqotid asxbteyda mhdsnd

EMOJI KALA NOOCA SAARA MAHADSANIDIIN ❤️🫂
1,1000017
ERAYO JACEYL logo
ERAYO JACEYL

25 Nis 2026 16:19

SHEEKO: Jaariyad jaceyl galay

QAYBTA 4AAD 💘💍

Maama caasha markaan ku iri tv dambe fiirsan maayo waxeey tiri waad fiirsaneeysaa balse anas waxaan usoo gadayaa tv gooni ah qolkiisa ayaana ugeeynayaa dhib majiraayo kane adiga iyo idil daawada

Markaas baan ku iri waayahay eeddo midaas weey fiican tahay kadib ayuu anas yiri hooyo waxba tv hasoo gaddin kanaa naga badan markaas beey tiri maama caasha anas haddalkaaga cadeeyso maxaa ku daba dhigay gabadhaan shalay timid mar aad tiraahdo tv ban la daawanayaa iyo mar aad tiraahdo yaan la dhibin gabadhaan faraha ka qaad weeyna naga tagtay

Kadib ayaan iri anas waa kan hooyo waad nagu dirtay iisoo laabo maxaad ii tiri dhib ayaad qoorta noo galisay caawa markaas buu yiri intaan kaliya miyaad dhib u aragtaa hooyo weey iska kaftameeysaa haddalkeeda ha u bixin

kadib ayaan iri waa xili dambe waan seexanayaa ee bye qolkeygi ayaan galay waan iska seexday anoo ka naxsan waxa caawa dhacay subaxii markii aan kasoo kacay waxaan dareemay xanuun fara badan waxaan raadiyay kaniini xanuun ba biye ah balse waan waayay

Madaxa ayaa saaid ii xanuunay anigoo aanan jika galin quraacna suubin ayaan jiifkii ku laabtay dadka dhan weey jiifaan waa subax qamiis ah balse aniga xanuunkeyga ma jirto cid og

sidaan u jiifay ayeey soo kacday idil kadib ayeey ii timid waxeeyna igu tiri maxaa dhacay saakay maba kicin miyaa markaas baan iri maya xanuun ayaan dareemayaaa waana awoodi waayay inaan jikada aaddo

iyaddoon ii jawaabin ayeey ilbaabka ka baxday jikadana gashay iyaddoo quraacdii sameyneyso ayeey soo kacday maama caasha kadib ayeey weeydiisay aawday naciima markaas beey ku tiri weey jiiftaa

Maama caasha ayaa ii timid iyaddoon su.aal iweeydiin ayeey qeeylo igu bilaawday markaas ayeey igu tiri xiligaan haddii aad bilaawday inaad marna seexato marna wax qabato meeshaan guriga hooyadaa ma ahan ogoow

aniga lacag baan ku siiyaa kuma tuugsanaayo kadib ayaan ku iri eeddo maxaa kugu dhacay xitaa ima dhihin aniga haddii aan caafimaad qabo miyaan shaqadeyda ka seexan lahaa sakay waan isku dayay inaan wax qabto balse waan awoodi waayay

Markaas ayeey tiri eeddo ha is dhibin naag shaqa iyo lacag toona rabta ma tihid ee iska jiifo qof xanuunsan iyo cidkale iskuma eka ee.

Aad ayaan uga xumaaday haddalka maama caasha kaligeey ayaan iska ooyay oo aan intaan barkinteyda wajiga saaray aad u ooyay ilaa aan ka nafisay waxaan dareemay in aaney jirin cid iidamqaneeyso xanuunkeygana u sheegan karo

Kadib ayuu soo kacay anas markuu banaanka yimid ayuu yiri aawday naciima sakay markaas ayeey idil ku tiri waan xanuunsanahy ayeey laheeyd maba soo kicin saakay kadib ayuu anas qolka iigu soo garaacay

markaas baan fariistay oo ilmada iska tiray kadib baan iri soo gal markuu soo galay anas ayuu igu yiri naciima sethy xagee lagaa qabtayna markaas ayaan iri madaxa ayaa ixanuunaayo halkan intaan joogana iiba bogsanaayo

Kadib ayuu yiri anas maxaa dhacay ma intii xalay kaliya mise waxkale ayaa jira war kama haayee aniga waan is celin waayay indhaheyga waxaa soo dhaaftay ilin waxaan isku dayay inaan ka qariyo anas balse wuu idareemay markaas ayuu yiri bismilah naciima maxaa kugu dhacay yaa saaky wax ku yeelay iisheeg abyo

Markaas baan iri aniga ma jirto cid xitaa markaan xanunsanahy ii naxariisaneeyso sakay dhan anoo xanunsan ayaa haddalo kala daran leeyla dul taagnaa wlhi waan dhibtooday

Kadib ayuu dareemay anas ineey maama caasha igu qeeylisay kadib ayuu yiri hooyo miyaa waxa saan ku yeelay anigaa kaa raali galinaayo mida kale markle ha i dhihin ma jirto cid ii naxariisaneyso runtii sakay markaan maqlay naciima weey xanuunsan tahay xitaa shaxi leey shubay anoo cabin ayaan kusoo aaday naciima aniga wllkaa ayaan ahay wax walba aniga igu iloow aniga ayaa kuu dabqanaayo xanuun walbana kula dareemaayo marnaba yaanan kaa maqlin cidna iima naxeyso

Lasoco part:5

Join dheh si aad uga mid noqotid asxbteyda mhdsnd

EMOJI KALA NOOCA SAARA MAHADSANIDIIN ❤️
1,2700011
ERAYO JACEYL logo
ERAYO JACEYL

25 Nis 2026 16:19

Qofku Goormuu agtaada ka dhintaa?🙌🏻❤️
1,080003
ERAYO JACEYL logo
ERAYO JACEYL

25 Nis 2026 16:19

▪︎Isma doorsho caashaqu
▪︎Dadkaa caasiyoo naca
▪︎Calmashada midkii shalay
▪︎Nafta ugu cudoonaa
1,120003
ERAYO JACEYL logo
ERAYO JACEYL

25 Nis 2026 16:19

Video
available services

✅️Veoe ultra 45k credit and 25 credit
✅️Chatgbt plus full mouthy
✅️Tiktok lacagtu ufurantahy
✅️Canva Pro
✅️Capcut pro
✅️Grok pro

Nagala sooxiriir Message Rasmi digital on WhatsApp. https://wa.me/252688143205
1,360005
ERAYO JACEYL logo
ERAYO JACEYL

25 Nis 2026 16:19

Aniga aad baan u naxay waayo maama caasha qalad ayeey naga fahmi kartaa waxaan ku shalaayay maxaad ugu timid anas kadib ayeey tiri maama caasha waa qalad in xiligaan gabar iyo wiil qol ku juraane maxaa jira naciima markaas baan anigoo aad u naxsan ku iri eeddo waan ogahay markale ma dhaceeyso tvna ma daawanaayo !

Lasoco part:4

Join dheh si aad uga mid noqotid asxbteyda mahadsanid

EMOJI KALA NOOCA SAARA MAHADSANIDIIN ❤️
1,1400012
ERAYO JACEYL logo
ERAYO JACEYL

25 Nis 2026 16:19

SHEEKO: Jaariyad jaceyl galay

QAYBTA 3AAD 💘💍

Aniggoo la yaaban su.aalsha aay i weeydiisay maama caasha oo igu tiri miyaad xanuunsantahay baan ku iri eeddo ma xanuun sani waan caafimaad qabaa ee maxaa dhacay kadib ayeey igu tiri anas waa wiil waad ogtahay markuu maqnaanshahaaga udul qaadan wayaay ayuu jikada galay midaas markale yaaney dhicin

Markaas baan iri eeddo anas isagga igu yiri marba haddii aad kariso rashinka diyaarin ha isku dhibin anaa soo diyaarsan karo maama caasha aad ayeey u carootay markaas beey tiri oo siduu ku keenay falkaas adigu maxaad qabaneeysaa kadib ayaan ku iri waayahy eeddo markle ma dhaceyso ciyoon ayaan usoo diyaarinayaa wixii uu ubaahdo

Maama caasha weey baxday anas ayeey qolka ugu gashay kadib ayeey ku tiri anas maxaa dhacay ma gabdhaha ayaad jikada la galeeysaa jooji midaas waa ceebe markaas buu anas yiri hooyo dhib maleh iska dhaaf dadka ma jecli inaan dhibo wax weyne ilama ahan aniga horaanba waan guran jiray ma ahan inaan gabadhaan miskiinta ah danta kula hiishano

Kadib ayeey ku tiri maama caasha intaas waxba ka dhibi meeyso aniga ayaana lasoo hadlay haddii aay wax maqleeyso ee faraha ka qaad adiga

Aniga waxaa igu abuurmay walaac haddane waxaan go.aan saday inaan anas wax waliba u geeyo si aan familka dhamaan u raali galiyo duhurkii ayeey idil iyo anas yimaadeen maama caashana waxeey aaday islaan aay saaxiibo ahaayeen aniga dardaaran kii maama caasha ayaan ku taaganahay isla markii qaddo ayaan kusoo diyaariyay fadhiga sharaabna ugeeyay kadib ayeey idil iweeydiisay aawday hooyo markaas baan ku iri weey maqan tahay isla markii anas baa lasoo booday soo fariiso adna oo nala qadeey maadaama aay hooyo maqan tahay na sadaxeey

Markaas baan ku iri maya waan qadeeyay aniga waa kaligiin waana kasoo tagay markii aay qadeeyeen ayaan utagay fadhiga ayaana dhinac ka fariistay sheeko ayeey ii bilaabeen iyo ineey nolosheyda iga wareeystaan balse waqtigii ayaa nala fogaaday oo maama caasha ayaa ilbaabka kasoo gashay markeey aragtay inaan halkaan ku dhanahay ayeey tiri maxeey tahay naciima alaabtan aad ku kor sheekeeyneeyso

Aniga aad baan iskugu naxay alaabtii ayaanan si dag dag ah u qaaday sidii caadada aheeyd markii aan cashaddii diyaarshay ayaan qolkii geeyay idil ayaana u yeeray kadib ayeey igu tiri casha ma cuni karo hooyane weey diidaye anas kaliya ugeey

Anas ayaan u imaaday kadib ayaan ku iri caawa kaligaa casheey markaas ayuu yiri lkn sabab waxaan ku iri maamada iyo idil ba weey diideen ee casheey kadib ayuu yiri kaligeey inaan casheeyo uma baran ee ila casheey adiga markaas ayaan ku iri maya aniga kulama casheeyn karo kadib ayuu yiri haddii aadan ila casheeyn karin xitaa ila joog waa cidlo ee.

Kadib ayaan ku iri waayahay waanan fariistay markii uu wax yar cunay ayuu iska dhigay markaas baan ku iri waxba maadan cunin maxaa dhacay kadib ayuu yiri waa bas intaas baa iga badan

Kadib ayaan soo qaaday alaabtii markaas buu yiri naciima fiiri markii aad alaabta geeyso iisoo laabo yah waxaan iri waayahy waana usoo laabtay kadib ayuu igu yiri naciima waxaan rabaa inaan kuu sheego iska saar cabsida gurigan kasoo qaad inuu kaagi yahay balse aaween waalidkaagi miyeey nool yahiin kadib ayaan ku iri haa weey nool yahiin balse waxba iima awoodaan maanta midaas ayaa igu qasabtay inaan cid u shaqeeyo kadib ayuu yiri dhib maleh hadda inta dhib miyaad ku qabtaa oo aad qarsaneeysaa mise waad is fahantiin reerka dhankiisa kale markaas baan ku iri wax dhib ah kuma qabo haddii aay jiraane waan udul qaadanayaa intaan awoodo

Kadib ayuu igu yiri anas insha Allah abyo Dhib arki meeysid gurigan gurigaaga camal waaye waxba ha iga qarsa xitaa hooyo laga yaabee ineey haddalo qaldan kugu tiraa marka meel haka soo qaadin

Haddalka anas waxaan ku ilaaway dabkii ku shidnaa qalbigeyga kadib ayaan ku iri mahadsanid wll waxaan maqlay shanqar kadib ayeey maama caasha ilbaabka noosoo istaagtay anagoo saq barkii fa fadhino ! Markaas beey tiri oo maxaa saacaan idin soo jeediyay kadib ayuu anas yiri hooyo tvga daawaneynay waxkle ma jiraan
1,260004
ERAYO JACEYL logo
ERAYO JACEYL

25 Nis 2026 16:19

SHEEKO: Jaariyad jaceyl galay

QAYBTA 2AAD 💘💍

Inkastoon jaceyleeyn inaan jaariyad noqda haddane dantaa ibaday oo waan ka maarmi waayay waxaa la gaaray casarkii intaas ma aanan seexan oo waan isla sheekeeysanaayay waxaan la yaabay waqtiga sida uu dhaqso ugu dhamaaday waan soo is taagay waxaana aaday xaga jikada si aan howsheeyda u bilaawdo

Waxaan iska galay casha diyaarin teeydi qof walba waxa uu ku juraa qolkiisa si jawi dagan ah balse anigu waxaan iska diyaariyay cashaddii kadib ayaan qolka fadhiga is iri iska gal markii aan ilbaabka ka galay ayaan arkay anas inuu ku juro qolka fadhiga

Kadib ayaan kasoo laabtay oo waxaan iska galay qolkeeyga waayo wiilasha aad baan uga baqaa meel aay joogaana waan iskaga fogaadaa waxaana jeclahy inaan kaligeey ahaado waxaan iska shitay mobile keyga oo isaga ayaan isku mashquuliyay maadaama aan hoowshii iska bagay

Waxaa leeygu soo garaacay ilbaabka kadib ayaan iri wa. ayo kadib ayeey tiri maama caasha waa anigee soo bax naciima isla markii baan soo booday waan u imid markaas beey tiri maxeey tahay qolka ayaadba iska gashee anas ugeey shaax

Kadib ayaan ku iri waayahay eeddo haddaan u geeynayaa waxaana galay jikada shaaxii ayaan soo shubay aad baan uga cabsaday waayo uma baran wiil kaligiis qol ku juro inaan wax u geeyo anoo ilbaabka taagan ayeey soo baxday idil kadib ayaan ku iri abyo hoo shaaxi waa kane ugeey wllkaa

Markaas beey idil si kor ah u tiri naa maxaa kaa qaldan orod ugeey wiilka shaaxa ma waraabe baa sideed aniga iigu dhibeeysaa mise howl naceeyb ayeey kaa tahay

Kadib ayuu anas maqlay qeeylada iyo sawaxanka haddalka idil markaas buu soo baxay aad baan uga naxay aniga oo waxaan noqday sidii qof dambi lagu qabtay Kadib ayuu anas yiri maxaa idinka dhax dhacay

Kadib ayaan ku iri maya wll waxba idil baa lasoo booday shaaxi beey leedahay ugeey aniga ma ahan taas shaqadeeyda shaqadeedi beey aniga ii direeysaa kawaran markaas buu anas yiri waxaas waa caadi ee gabadha iska daa aniga intuu http://idil.la/ hadlaayay ayaan qolkii udaba maray shaaxiina miiska usoo saaray waana kasoo laabtay

Kadib ayuu anas ilbaabka iiga hor yimid isagoo usoo laabtay qolka fadhiga aniga darbi baan isku dhajiyay si markuu ilbaabka soo maro anna aan u baxo

Balse anas ilbaabka ayuu iga xigsaday kadib ayuu igu yiri naciima aniga aad baan iskugu naxay wadnaheygu aad buu u shanqaray kadib ayaan ku iri hee markaas buu igu yiri aniga ha iga cabsanin tankle haddii aadan jooji karin cabsida aad iga qabtid raashinka anaa doona naayo ha isku dhibin horaanba jikada mar mar waan gali jiray hadda dhib iguma ahan raashiin diyaarsan inaan soo gurto

Aad ayuu ii qanciyay haddalka anas kadib ayaan ku iri waayahay waana kasoo tagay markii la gaaray subaxii markii aan diyaariyay quraacdii ayaan qolkeyga iska galay waxaa soo kacay anas kadib ayuu jikada galay isaggoo shaax soo shubtay ayeey idil u timid markaas beey ku tiri maxaa isla waaleeysaa naciima kuu keeneeyso rashinka ee markaas buu ku yiri anigu ma gacmaha baan ka go.anahay qof waxba kama sugi karo

Idil weey kasoo tagtay waxeeyna u timid maama caasha waxeeyna ku tiri hooyo gabadhaan wahsiga meey naga deeyso anas sakay isagoo raashinka soo guranaayo ayaan arkay waxa uuna igu yiri qof waxba kama sugi karo

Maama caasha oo careeysan ayaa qolkeygi iigusoo gashay kadib ayeey si kulul ii tiri naciima miyaad xanuunsan tahay maanta markaas baan ku iri maya eeddo ee maxaa jira waxaa niyadda iska leeyahay tollow maxaad sameysay ?

Lasoco part:3

Join dheh si aad uga mid noqotid asxbteyda mhdsnd

EMOJI KALA NOOCA SAARA MAHADSANIDIIN 🙃
1,4200019
ERAYO JACEYL logo
ERAYO JACEYL

25 Nis 2026 16:19

Jirku waa duqoobaa Balse Kalgacaylku waa dhalinyaro🫂❤️
1,2700011
ERAYO JACEYL logo
ERAYO JACEYL

25 Nis 2026 16:19

SHEEKO CUSUB⚠️: Jaariyad jaceyl galay

QAYBTA 1AAD 💘💍

magaceyga maa naciimo waxaan ahay gabar la nool family qaraabo kore ah oo waxaan la noolahay mudo fara badan is fahmi waay iyo daruufa fara badan kadib waxaan go.aan saday inaan shaqa raadsado

si aan nolosheeyda u maareeyo waxaan soo baxay subax waxaanan u imid saaxiibadeey maaido kadib ayaan ku iri saaxiib waxaan rabaa inaan shaqa raadsado oo aan nolosheyda wax ka badalo ee shaqa ila raadi

Kadib ayeey tiri maaido waxaan kuu geeynayaa maama la yiraa caasha oo igu tiri gabar iishaqeeyso iisoo raadi wiil iyo gabar kaliya ayaana u joogo marka kwrn haddii aan kuu geeyo

Kadib ayaan ku iri waayahay ee ii geey saaxiib waxeeyna ii wadday maama caasha gurigeeda sheeko iyo isbarasho kadib waxaan ku heshiinay inaan guriga ka shaqa bilaabo oo aan ku noolaado kadib ayeey igu tiri mama caasha gurigan waa 4 qol waxaana ku nool anagoo 4 ah marka qolkaan banaan adiga dag kadib ayaan ku iri waayahy qolkeygi ayeeyna i geeysay

Waxaan bilaabay qaabkii aan ku fahmi lahaa gurigan cusub hoowshiisa isla markii waxeey maama caasha igu tiri eedo qaddo inoo saar 2 deydi caruur waxeey ka imaanayaan jaamacada marka qaddo u diyaari kadib ayaan ku iri waayahy eeddo jikaddii ayaan galay waxaan diyaariyay qadadii

Kadib ayaa ilbaabka lasoo garaaacay markaas beey maama caasha igu tiri naciima orod ilaabka soo fur waxaana u dhaqaaqay xaga ilaabka markii aan furay ayeey soo galeen wiil iyo gabar waan fahmay ineey maama caasha dhashay weey isalaameen balse ima fahansana qofka aan ahay

Kadib ayeey si toosa u aadeen qolalkooda markaas baa waxaa ii yeertay maama caasha caruurteedana u yeertay kadib ayeey tiri naciima kuwaan waa caruurteyda waxaana la kala yiraahdaa anas iyo idil kadib ayaan ku iri wayahay eeddo qaddo ayaan soo diyaarinayaa waxaana soo aaday xaga jikada

Markaas ayeey weeydiiyeen anas iyo idil hooyo gabadhaan maxaa ku kalifay ineey cid ushaqeeyso kadib ayeey tiri maama caasha shaqa ceeb ma ahan nooceey doontaba ha ahaatee kadib ayaan qaddo usoo diyaariyay miiska ayaana usoo saaray waana iska laabtay kadib ayeey tiri maama caasha kaalay adna nala qadeey markaas ayaanku iri maya eeddo dhib maleh qadeeya idinku

Kadib ayuu yiri anas orod gabadha la qadeey idil aniga iyo hooyana aan wadda qadeeyno markaas Ayeey idil soo istaagtay waxaan galnay jikada qaddo ayaan soo guray si aan u wadda qadeeyno kadib ayeey idil iweeydiisay aaween familkaadii intana makugu og yahiin

kadib ayaan iri haa markaas beey haddane igu tiri maxaa kugu kalifay adoo saan u qurux badan inaad cid ushaqeeyso koleey rafaad kaama muuqdo e. Markaas ayaan ku iri qurux iyo qurux la.aan kuma xirna daruufta waad ogtahy adigaba haddii aan wax haaysto inaanan cid u shaqeeyeen

Balse hadda anaa ku qanacsan inaan kuu shaqeeyo adna aad wax barato kadib ayeey tiri idil waa caadi haddii aad ku qanacsan tahay shaqa ayaaba idhib tay wax barasho iyo guri la iskuma haayn karo hadda kaliya wax barashadeyda ayaan ka fikirayaa kadib ayaan ku iri waa sidaas abyo waana kasoo tagay si aan u nasto saacadaha xiliga casha karinta ka dhiman

Markii aan sariirteyda imid ayuu igusoo maaxday haddalkii idil oo ahaa maxaa kugu kalifay shaqaale nimo balse waan is dabaaliyay haddane waxaan ku fikiray isla maalinkaad timid ayeey haddal ku damqad galiyay kugu bilaawday gabadhaan tollow ameey kuu rooneed noloshii daruufta aheeyd

Haddane waxaan niyadda gashtay inaan waxaas iska dhaga tiro oo aan lacag u aruursado si aan beri ka maalin ganacsi ugu furto

Lasoco part:2

Join dheh si aad uga mid noqotid asxbteyda mhdsnd
1,4800020
ERAYO JACEYL logo
ERAYO JACEYL

31 Mar 2026 17:03

Photo
Kaalay aan kuu sameyna
Eid Mubarak Poster Designs Qurux Badan oo Soo jidasho leh!

Si aad ula wadaagtid Qoyskaaga iyo asxaabtaada hambalyada ciida adigoo hawada u marsiinaayo tahniyad nashqad qurux badan iyo fariin wanaagsan.

𝗛𝗮 𝘀𝗲𝗲𝗴𝗶𝗻 𝗷𝗮𝗮𝗻𝗶𝘀𝗸𝗮𝗻! 𝗛𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗻𝗮𝗹𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝘅𝗶𝗿𝗶𝗶𝗿
👇👇
https://t.me/misshenaa
1,860006
ERAYO JACEYL logo
ERAYO JACEYL

31 Mar 2026 17:03

“Niyadeyda rabbaysan
Qalbigeyga rakaaday
Ruuxdayda qof maarmay
Iska raacdaye fooftay
Runta yaa fari doona? “
1,8000013
ERAYO JACEYL logo
ERAYO JACEYL

31 Mar 2026 17:03

Xuul baa tahy garasha xel dheer 🫶😍❤️
2,370008
ERAYO JACEYL logo
ERAYO JACEYL

31 Mar 2026 17:03

Cilad weeye caashaqu
Iyo camal inkaar qaba
Markuu cidhif ka raran yahay
Een caadi loo wadin
Cadliguna ka dheer yahay

Caloolyaw ma daayoo
Qofkii lagu cidleeyaa
Cuqdad baa ku dhalatoo
Inuu tuuro calalada
Waa wax caadiyoo dhaca
2,3200015
ERAYO JACEYL logo
ERAYO JACEYL

31 Mar 2026 17:03

اللهم اجعلنا من عتقائك من النار في هذا الشهر المبارك.
Allow naga yeel kuwa aad Naarta ka xoreysay bishan barakeysan. Aamiin 🌙
2,6500013
ERAYO JACEYL logo
ERAYO JACEYL

31 Mar 2026 17:03

Jadwalka 10ka dambe ee bisha Ramadaan 🌙🕌

1. Salaadaha waqtigooda ilaali gaar ahaan salaadda subax
🌙
2. Qur'aanka aqri maalin walba ugu yaraan 1 saac
🕌
3. Adkaarta subax iyo tan galab waa muhiim
🌙
4. Badi istiqfaarta iyo xowqalada iyo tasbiixda iyo halhalada 500 jeer iyo ka badan
🕌
5. Badi salliga nabiga scw ugu yaraan 1000 jeer
🌙
6. Sadaqo baxso maalin walba ugu yaraan $1
🕌
7. Cesho carabkaaga oo iska ilaali beenta xanta caayda iyo isku dirka
🌙
8. Ilaali salaadaha sunnada ah
🕌
9. Ilaali salaatu duxa
🌙
10. Qiyaamu leylka iyo witirka iyo ducooyinka badan joogteey
🕌
11. Niyadaada ha noqoto mid aad alle ugu dhawaaneyso ood dartii u sameyneyso acmaashaas oo yeysan kaa noqon mid aad danahaaga un ku gaareyso si waxaa rabto alle kuu siiyo
🌙
12. U duceey naftaada iyo muslimiinta inta nool iyo inta dhimatayba oo u duceey wadanka in ilaahey madax wanaagsan inopgu dhiibo talada oo roob iyo barwaaqo na siiyo

Allaha naga aqbalo soonka iyo salaadaha iyo acmaasha suusuuban
Allaha naga dhigo kuwa uu u dambi dhaafay oo uu ducadooda u qabalay

Haddaa acmaashaas sameyso oy leylatul qadar kugu soo aado ku dhufso ajarka 80 sano waa sida adiga oo 80 sano intaas oo acmaal oo wanagsan sameeyay bal suureyso ajarka aad heleyso

Haddaa dareemeyso inuu ramadaanki dhamaaday adiga oon si sax ah uga faa'ideysan wali waxaa haysataa waqti fiican iyo maalmo aad u kheyr badan ee si fiican uga faa'ideyso

Oo sii gaarsii walaalkaaga muslimka eh si uu uga faaideysto ❤️
2,8800017
ERAYO JACEYL logo
ERAYO JACEYL

31 Mar 2026 17:03

Darajiyo karaamooy
Marna deeq ilaaheey
Marna duubka sharaftaay
Guuleey dagaal badan
Qof hanlaa ku daydaya
Damac laa ku raadsada
Dadaal ba ku soo heli
Qolof diin nin yeesh oo
Damqashiyo ax daaya
Dulqaad kugu ilaasha
Kuma sido nin dabac sani
2,6800015
ERAYO JACEYL logo
ERAYO JACEYL

31 Mar 2026 17:03

Weligaa ma ogaan doonto ana ma muujin doono❤️🥹
2,690005

Showing 30 of 60 posts

Derecelendirme

Giriş yapılması gerekli

Frequently Asked Questions

ERAYO JACEYL Telegram kanalı ne hakkında?+

ERAYO JACEYL (@erayojaceyl1), tgdio üzerinde Kore Dizileri (K-Drama) kategorisinde listelenen bir Telegram kanalıdır. Abone olmadan önce sıralama, puan, yorum ve gönderilere bakın. Şu an tgdio üzerinde yaklaşık 278 abonesi var.

ERAYO JACEYL (@erayojaceyl1) kanalına nasıl katılırım?+

tgdio üzerindeki kanal profilini açın, Join / Open in Telegram ile @erayojaceyl1 abonesi olun.

ERAYO JACEYL iyi bir Kore Dizileri (K-Drama) kanalı mı?+

tgdio üzerinde katılmadan önce ERAYO JACEYL puanını, yorumlarını ve sıralamasını kontrol edin. Şu an tgdio üzerinde yaklaşık 278 abonesi var. Benzer Kore Dizileri (K-Drama) kanallarla karşılaştırın.

ERAYO JACEYL istatistiklerini nerede görürüm?+

tgdio üzerinde @erayojaceyl1 sayfasını açın: abone istatistikleri, sıralama, puan ve gönderiler.